Mar 25(Jowhar)-Waxaa jira warar sheegaya in Dowladda Federaalka ah ay maanta xilka ka qaaday taliyaha ciidanka asluubta Jen Mahad Cabdiraxman Aadan (Taliye Shub), oo ah sodogga madaxweyne Lafta Gareen.
Waxaa xilkan loo magacaabay Maxamed Xasan Xaamud, oo siyaasad ahaan kasoo horjeeda Lafta Gareen, horeyna usoo noqday taliyaha ciidanka booliska.
Labada nin ee la isku badalayo labaduba waa reer Koonfur Galbeed, waxaana uu isbadalkan la xiriira xiisadda siyaasaddeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.









