Friday, March 27, 2026
Home NEWS UK oo ka digtay duulaan lagu qaado maamulka Koofur Galbeed

UK oo ka digtay duulaan lagu qaado maamulka Koofur Galbeed

139

Mar 27(Jowhar)-Dowladda Britain ayaa war rasmi ah kasoo saartay xaaladda kacsan ee ka dhalatay khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda UK ee Soomaaliya ayaa lagu muujiyey walaac xooggan oo laga qabo in xiisadaha sii kordhaya ay horseedi karaan xasilooni darro, islamarkaana ay si toos ah u saameynayaan shacabka deegaanka oo horey ula tacaalayey duruufo adag sida abaaraha.

Dowladda Ingiriiska ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, kana shaqeeyaan dejinta xiisadda, iyagoo mudnaanta siinaya nabadda iyo xasilloonida.

Sidoo kale, UK waxay xaqiijisay inay si joogto ah ula xiriireyso oo wadahadal la leedahay dhinacyada ay arrintu quseyso, heer federaal iyo heer dowlad goboleedba.

UK ayaa sidoo kale adkaysay muhiimadda wadahadal loo dhan yahay oo wax dhisaya, iyadoo soo dhoweysay dadaallada dhexdhexaadinta ee ay wadaan odayaasha dhaqanka si loo helo xal nabadeed oo waara.