Apr 08(Jowhar)-Iyadoo Madaxweyne Trump uu fagaaraha uga hanjabayay inuu “tirtirayo ilbaxnimada Iran” ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa Bariga Dhexe waxay heegan buuxa ugu jireen bilowga duqeymo culus oo lagu qaado Iiraan, Isla markaana, shacabka Iiraan qaarkood ayaa bilaabay inay guryahooda ka qaxaan.
Laakiin, daaha gadaashiisa waxaa ka socday dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo xasaasi ah, Qodobada ugu muhiimsan ee sababay in la baajiyo dagaalkaas.
– Go’aankii Khamenei, Hoggaamiyaha cusub ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, oo farriimaha isku dhaafsanayay waraaqo gacan-ka-gacan ah (cabsi uu ka qabo khaarajin awgeed), ayaa markii ugu horreysay taariikhda wada-xaajoodayaashiisa siiyay “Ogolaanshaha Cagaaran” si ay heshiis u gaaraan.
– Doorkii dhexdhexaadiyeyaasha, Ologa dalalka Pakistan, Masar iyo Turkiga ayaa saacadihii u dambeeyay waday isku-gudbinta qabyo-qoraallo si loo soo afjaro dagaalka, Trumpna gacanta loo qabto.
– Daqiiqadihii U dambeeyay, Inkastoo xulafada gacanta adag ee Trump ay ku cadaadiyeen inuu diido heshiiska, haddana wuxuu aqbalay xabbad-joojin 2 toddobaad ah. Ciidamada Mareykanka ayaa la faray inay baajiyaan weerarka 15 daqiiqo uun ka dib markii lagu dhawaaqay heshiiska.
Maxaa Xiga?
2da Ergo ayaa iskugu tagaya Pakistan, dhinaca Mareykanka Madaxweyne Ku Xigeenka Mareykanka ayaa hogaaminaya, inkastoo farqi weyn uu weli u dhexeeyo Mareykanka iyo Iiraan.










