Apr 10(Jowhar)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda soo dhoweynta markabka casriga ah ee qodista shidaalka ee Çağrı Bey, kaasi oo si rasmi ah u billaabaya howlaha qodista shidaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in imaanshaha markabka Çağrı Bey ay tahay tallaabo qaran oo dalkeenna u horseedaysa horumar dhaqaale, koboc maalgashi iyo fursado shaqo oo cusub, isaga oo xusay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso in kheyraadka dabiiciga ah looga faa’iideeyo si mas’uuliyad leh oo shacabka Soomaaliyeed dan u ah.
Madaxweynaha ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay maareyn hufan oo caddaalad ku dhisan, si dakhliga ka soo baxa kheyraadka shidaalka loogu beddelo adeegyo bulsho, horumar dhaqaale iyo xasilooni waarta, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga iskaashiga dhow ee ay la leedahay Soomaaliya, kuna ammaanay taageerada joogtada ah ee ay ka geysanayso dib u dhiska, horumarinta iyo kobcinta awoodda dhaqaale ee dalka.
Munaasabaddan taariikhiga ah oo ka dhacday Dekadda Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiye Ku xigeenka ee Golaha Shacabka BJFS, Ra’iisulwasaaraha XFS, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Wasiiro ka tirsan XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka dabiiciga ah ee Turkiga, Safiiro iyo marti sharaf kale.









