Saturday, April 11, 2026
Home NEWS Heshiis laga gaaray hantida horey looga xanibay dowladda Iran

Heshiis laga gaaray hantida horey looga xanibay dowladda Iran

254

Apr 11(Jowhar)-Telefashinka rasmiga ah ee Iran ayaa ku dhawaaqay in heshiis lala gaaray Mareykanka, kaas oo la xiriira arrinta hantida horay looga xayiray dowladda Iran.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in labada dhinac ay gaareen is-afgarad ku saabsan sida loo maareynayo ama loo sii deynayo hantidaas, inkastoo faahfaahinta heshiiska sida qadarka lacagta iyo shuruudaha aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Heshiiskan ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo xooggan oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa toos ula socda dhaqdhaqaaqyada Maraakiibta Mareykanka.