Apr 13(Jowhar)Iran ayaa ku dhawaaqday in ay si weyn u kordhisay wax-soo-saarka gantaalaha balaastigga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee is-qarxiya, tan iyo markii ay bilaabatay xabbad-joojinta dhowaan la gaaray.
Masβuuliyiinta Iran ayaa sheegay in heerka wax-soo-saarku uu weli yahay mid aad u sarreeya, islamarkaana la sii xoojiyay awoodda milatari inkastoo dalkaasi uu galay dagaal socday ku dhawaad 40 maalmood oo ay la galeen Mareykanka iyo Israaβiil.
Arrintan ayaa loo arkaa fariin cad oo muujinaysa in Iran aysan ka tanaasulin diyaargarowga dagaal, isla markaana ay sii waddo dadaallada ay ku doonayso in ay ku xoojiso awooddeeda difaac iyo weerar.
Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in tallaabadan ay kordhin karto xiisadda gobolka, iyadoo laga cabsi qabo in ay sii huriso loollanka militari ee u dhexeeya Iran iyo cadowgeeda.








