Apr 29(Jowhar)Xiriir heer hoose ku billowday oo ay DFS la samaysay laba sarkaal oo ka tirsan ciidankii maamulkii hore ee Cabdicasiis Laftagareen ee Baydhabo laga saaray, haddana ku sugan gobolka Gedo, ayaa gaaray heer wadahadal toos ah oo dhexmaray labada dhinac.
Taliyihii hore ee Asluubta Soomaaliya oo ku sugan deegaanka Suufta iyo mid ka mid ah taliyayaasha ciidanka Soomaaliya ayaa yeeshay wadahadal teleefon, waxaana la isla qaatay in laga shaqeeyo is-afgarad dhammaystiran oo lagu xallinayo arrinta ciidankan.
Ilaha aan xogta ka helnay waxay xaqiijiyeen in jawiga wadahadalku ku furmay uu wanaagsan yahay, laakiin ay weli jiraan weydiimo u baahan xallin siyaasadeed. Haddii uu wadahadalkani horusocod sameeyo, waxaa maalmahan qorshaysan in safar uu Gedo ku tago taliyaha dowladda wadahadalka ku matalaya.










