Thursday, April 30, 2026
Home NEWS Isimada Dhaqanka oo maanta bilaabaya iney kala dhex galaan dhinacyada isku haya...

Isimada Dhaqanka oo maanta bilaabaya iney kala dhex galaan dhinacyada isku haya siyaasada dalka

148

Apr 30(Jowhar) Qaar kamid ah Isimadda dhaqanka ee Beelaha Soomaalida ayaa maanta bilaabaya isku day ay ku dhexgalayaan dhinacyada siyaasadda ee isku haya hanaanka doorashooyinka dalka, waxaana kulamada u horeeya oo ay dhexdooda yeelayaan ay ku faaqi doonaan sida ay suuragal u tahay in dhexdhexadin ay sameyn karaan.

Isimadda saameynta badan leh ee kusugan Muqdisho oo aan saami qeybsi la aheyn madaxweyne Xassan Sheikh ayaan isku mawqif aheyn dhexdooda sida loo wajihi karro damaca Villa Somalia, qaarkood ayaa la dhacsan aragtidaas, halka qaar kalena ay diidan yihiin oo kasoo horjeedaan.

Mowqif cadaanta dhinacyada & kala tagsanaantooda ayaa laga dareemay 2dii kulan ee u dambeeyey, gaar ahaana kii Madaxtooyada & kulankii xalay ee ay golaha Mustaqbalka la yeesheen, oo fagaaraha ay hareeyeen hadalo duurxul siyaasadeed ah.

Dad badan ayaa aaminsan in dhexgalkan ay Isimadda beeluhu ku baadigoobi karaan xaqiijinta qoondadooda in ay saameyn kuyeeshaan kuraasta beelahooda oo ah meesha ugu muhiimsan oo sida la rumeysan yahay aysan golaha Mustaqbalka dhib kuqabin.