Apr 30(Jowhar)Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa wada hadaladii shalay dhexmaray wakiilada caalamiga ah, gaar ahaana afarta saameynta leh & golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyadoo fogaan aragana ay uga qeybgaleen madaxda Jubbaland & Puntland.
Wakiilada caalamiga ah ayaa sheegay in ay walaac ka qabaan xaaladdaha isbedelaya ee siyaasadda, amniga ilaa dhaqaalaha dalka oo ay sheegeen in hubanti la`aan dhinac kasta lagu socdo.
Ilo wareedyo wargal ah ayaa sheegay in Beesha Caalamka ay si cad u cadeeyeen 2 qodob oo xaaladda Soomaaliya aad indhaha ugu soo jeedinaya kala ah.
1- In haddii aan la gaarin 15ka May kahor heshiis siyaasadeed ay joojin doonaan dhammaan taageerada siyaasadda ilaa dhaqaale ee ay siiyaan Soomaalida oo aysan kala saareyn dhinacyada oo dhan.
2- In haddii ay dhacaan isku dhacyo hubeysan ay sameyn karaan bixitaan buuxa oo ay qaadeen dowladdaha waa weyn, gaar ahaana kuwa haya galka amniga ee dalka, ayna tahay in ay maanka ku hayaan sida siyaasadda Aqalka cad isku bedelayso.
Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in aysan la kulmeyn iyagoo kaligood ah mar dambe madaxweyne Xassan Sheikh, haddii aysan jirin dhexdhexaadiyayaal 2da dhinac kudhex jira oo lagu kalsoon yahay, waxayna sabab uga dhigeen in dowladu waqti iibsi ku jirto uun aysan daacad ka aheyn wada hadalka.










