Tuesday, May 12, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay caleema saarka madaxweynaha Uganda

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay caleema saarka madaxweynaha Uganda

123

May 12(Jowhar) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yugaandha Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo lagu qabtay magaalada Kampala.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Yugaandha, isaga oo u rajeeyey in hoggaamintiisa cusub ay dadka iyo dalka u horseedo guul, horumar iyo barwaaqo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Yugaandha martigelinta diirran ee ay u sameeyeen wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.