May 20(Jowhar) Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Madey Nurey Shiekh Ayaa gaaray magaalada Baydhabo Ee caasimada ku meelgaarka ah Ee Koofur galbeed.
Taliyaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweyey kaaliyaha Taliska dhulka CXDS Gen Cabdulahi Aden Xuseen Cirro iyo saraakiisha Qeybta 60aad CXDS.
Taliyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo Ka tirsan Qeybta 60aad Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed.
Saraakiishan ahaa la filayaa iney goobjoog ka noqdaan xil la wareegista taliyayaasha cusb ee guutooyinka 9-aad iyo 8-aad qeybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalka.










