May 20(Jowhar)Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Dowladda Mareykanka, oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ahna sii hayaha xilka Safiirka, Ambassador Justin Davis, ayna qeyb ka yihiin Saraakiisha Howlgalka Africom, oo uu ka midyahay Col. Shane Jones Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee maraykanka ee Africa.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada, Amniga, Siyaasada iyo horumarinta , waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda kala guurka ah ee uu dalku galay iyo doorka Puntland, sidoo kale kulanka waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka gaar ahaan dhinacyada Amniga, maalgashiga, iyo ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah ee Puntland, dhinacyada Macdanta, Kalluumeysiga iyo Shidaalka.
Dhankiisa ku simaha safiirka Maraykanka ayaa boggaadiyey hawlgalada ciidamada Puntland ka wadaan buuralayda Calmiskaad iyo guulaha laga ciribtirka argagixisada, sidoo kale safiirka ayaa amaanay horumarka iyo nabadgelyada ka jirta Puntland, waxaana uu balanqaaday taageerada Dowladda Maraykanka ee dhinacyada Adkeynta Amniga iyo baahinta adeegyada bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.
Waxaa kulanka ka qaybgalay , xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.










