May 21(Jowhar) Midowga Yurub ayaa xayiraaddii ka qaaday Passport-ka dalka Ethiopia taas oo lagu soo rogay laba sano ka hor ka dib markiii Midowga Yurub iyo Ethiopia isku fahmi waayeen soo celinta dadka tahriibeyaasha ah ee dalkaas u dhashay.
Passport-ka Ethiopia ayaa hadda ka dib si furan loogu tegi karaa qaaradda Yurub maaddama oo meesha laga saaray xayiradii hore loogu soo rogay.
Dadka haysta baasaaboorka Ethiopia ayaa labadii sanno ee la so dhaafay diidmo badan la kulmayay marka ay dalbadaan Fiisaha dal-ku-galka waddamada Yurub.










