Sunday, May 24, 2026
Home NEWS Deni oo gaadiid ku wareejiyay gudoomiyayaasha gobolada Puntland

Deni oo gaadiid ku wareejiyay gudoomiyayaasha gobolada Puntland

111

May 24(Jowhar) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyeyaasha Gobollada Puntland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nabadgelyada, dardargelinta qorsheyaasha horumarineed ee Dowladda, ballaarinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta maamul-wanaagga. Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhegaystay Guddoomiyeyaasha Gobollada Puntland, kuwaas oo ka xog-warramay xaaladda guud ee Gobollada gaar ahaan Amniga, Horumarka , shaqooyinka ka socda iyo kuwa qorsheysan iyo baahiyaha deegaanka iyo xaaladda Abaarta.

Ugu dambayn, Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa Guddoomiyeyaasha Gobollada ku wareejisay gaadiid cusub oo loogu talagalay horumarinta adeegyada bulshada iyo fududeynta shaqada maamulka gobollada. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo  La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Dadweynaha.