Jun 12 (Jowhar)-Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintey 11 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib toogasho ka dhacday magaalada galbeedka Texas ee Midland dalka Maraykanka.
Duqa magaalada Midland Lori Blong ayaa shir jaraa’id ka sheegay in 11 ruux isbitaalka la dhigey hal ruuxna isla goobta uu ku dhintey.
Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in qofkii ka dambeeyay toogashada la diley lamana sheegin ujeedka ka dambeysa toogashadan.
Marka laga soo tago in qofka toogashada lagu tuhmay uu ahaa lab, duq magaalada Blong ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan aqoonsigiisa.
War qoraal ah oo uu soo saaray, Isbitaalka Midland Memorial ayuu ku sheegay in uu daweynayo sagaal dhibane oo ka dhashay toogashada ilaa hadda.
Saraakiisha cisbitaalka ayaa sheegay in afar bukaan lagu sameeyay qaliin subaxnimadii jimcaha, halka shanta kalena lagu xaaladooda ay wanaagsan tahay.
Toogashada dadka rayidka ah lagu bartilmaameedsado ayaa joogto ka noqday dalka Maraykanka,balse toogashadan ayaa ku soo beegantay xilli tartanka ciyaarada adduunka qeybo kamid ah lagu qabanayo dalka Maraykanka.










