Sunday, June 14, 2026
Home NEWS Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo gaaray Israel

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo gaaray Israel

90

Jun 14 (Jowhar)-Madaxweynaha Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi, ayaa maanta oo Axad ah booqasho rasmi ah ku tagay dalka Israa’iil, waana safarkii u horeeyay ee uu Madaxweyne Somaliland ku tago.
Madaxweynaha Israel Isaxaaq Herzog ayaa si diiran u soo dhaweeyay Cirro, isaga oo ku qoraya bartiis luqada Ingiriisi iyo Soomaali: “Ku soo dhawow Israel”.

Waxa aad i qiiro galiyay sawiro reer Somaliland ah oo u dabbaaldegaya xiriirka cusub. “Sawirada quruxda badan ee dadka reer Somaliland oo lulaya calanka Israa’iil ee u dabbaaldegaya xiriirkan cusub ayaa qalbiyadeenna ku diirsaday,” ayuu sii raaciyay.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa ugu mahadceliyay madaxweynaha Israa’iil iyo shacabkaba soo dhawaynta.
“Maanta waxay ka dhigan tahay tallaabo cusub oo furaysa bog cusub oo ku dhisan saaxiibtinimo, is kaashi iyo is ixtiraam ka dhaxeeya Somaliland iyo Israa’iil”, ayuu ku daabacay madaxweyne Cirro boggiisa Facebook.

Dhammaadkii bishii December e 2025 ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha Israa’iil uu ku dhawaaqay in uu Somaliland u aqoonsaday dal madaxbanaan, tallaabadaasi oo ka soo horjeesatay dowladda federaalka Soomaaliya.Wadamo badna oo Islaam ah ayaa ka soo horjeestey aqoonsiga Israel ee maamulka Somaliland.