Jun 14 (Jowhar)-Garsoore Cumar Cartan oo loo diiday inuu galo dalka Mareykanka si uu u dhex dhexaadiyo Koobka Adduunka, ayaa la siin doonaa lacag dhameystiran oo uu ku leeyahay tartanka.
Cartan ayaa muddo 11 saacadood ah su’aalo ay ku weydiinayeen hay’adaha socdaalka ee dalka Mareykanka isagoo ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Miami Isniintii ka hor inta aan loo sheegin inaan loo ogolaan doonin inuu dalka soo galo ka dib markii loo diiday baasaboorkiisa diblomaasiga ah iyo dal ku galka Mareykanka.
Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Cartan aan loo ogolayn inuu dalka soo galo sababtoo ah waxaa lagu eedeeyay in uu xiriir la leeyahay xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururro argagixiso.
Cartan ayaa sheegay in saraakiisha xuduudaha ay su’aalo ka weydiiyeen xiriirka uu la leeyahay kooxda Al Shabab ee Soomaaliya ka dagaalanta, wuxuuna u sheegay in uusan waxba ka ogeyn ururkaasi.
“Waxaan haystay waraaqo sax ah iyo wax walba, waxaan haystay fiisaha saxda ah,” ayuu yiri Cartan.
“Kaliya waxaan ahay garsoore isku dayaya inuu ku noolaado riyadiisa, riyadiisii ugu weyneyd ee nolosheyda, oo ahayd inaan imaado koobka aduunka.”
Ilo wareedyo ayaa u sheegay BBC Sport in inkastoo Cartan uusan ka qeyb qaadan doonin Koobka Adduunka, haddana Fifa ay ka go’an tahay inay bixiso mushaarkiisa.
Garsoorayaasha ayaan garaneynin lacagta dhabta ah ee ay ku qaadanayaan garsoorista koobka adduunka, kaasoo la bixiyo marka uu dhamaado tartanka.
Cartan, oo ah garsooraha sanadka 2025 ee xiriirka kubadda cagta Afrika (Caf), ayaa lagu casuumay inuu dhex dhexaadiyo tartanka Uefa Super Cup ee u dhaxeeya Paris St-Germain iyo Aston Villa oo ka dhici doona Salzburg, Austria 12ka Agoosto.
Bishii Juun 2025, wuxuu dhex dhexaadiyay lugtii labaad ee Pyramids FC ee finalka Champions League ee ay ka badisay Mamelodi Sundowns.
Fifa ayaa Cartan u magacawday Koobkii Adduunka ee 20 jirada ee ka dhacayay Chile, halkaas oo uu maamulay saddex kulan oo ay ku jirto kaalinta saddexaad ee Play Off.
Dhamaadkii sanadka waxa uu dhex dhexaadiyay laba kulan oo Group-yada koobka qaramada Afrika,isaga oo sidoo kale garsoore ka ahaa tartanka sanadka 2024-ka.










