Friday, June 19, 2026
Home NEWS Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo magacaabay guddi farsamo

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo magacaabay guddi farsamo

427

Jun 15 (Jowhar)-Golaha la magac baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa magacaabay guddi farsamo  oo loo xil saaray qorshe la doonayo in lagu bilaabo wadahadal rasmi ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka siyaasadeed.

Xubnaha guddiga waxaa ay isugu jiraan qaar metelaya Madaxda maamulada Puntland Iyo Jubbaland Iyo siyaasiyiinta mucaaradka ka soo jeeda koofurta Soomaaliya.

Guddigan waxaa ka mid ah Maxamed Dhabancad, Cabdirashiid Jire,Cabdirahman Cabdishakur Warsame, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Cabdiraxmaan Ceynte.

Wararka ayaa sheegaya in guddigan ay ku dadaali doonaan mideynta dadaalada kala duwan ee caalamiga ah ee lagu doonayo in markale ay wadahadal toos ah yeeshaan madaxda dowlada federalka Iyo mucaaradka.

Dowlada Turkiga ayaa wada dadaalo lagu doonayo in lagu dhexdhexaadiyo dowlada federalka Iyo Mucaaradka.
Waxaana magacaabida guddigan ay ku soo beegmeysa xilli uu dhawaan sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu diyaar u yahay in uu la kulmo mucaaradka ayna ka wadahadlaan khilaafka siyaasadda.