Thursday, June 18, 2026
Home NEWS Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Sacuudiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Sacuudiga

37

Jun 17 (Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxammed Al-Muwalad, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyo horumarinta iskaashiga dhaqaalaha iyo Maalgashiga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Sacuudiga taageeradeeda joogta ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed iyo garab istaagga midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Axmed Bin Maxammed, ayaa la-wadaagay Ra’iisul Wasaaraha, sida ay uga go’antahay xoojinta iskaashiga iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed kala dhexeeya Boqortooyada Sacuudiga isaga oo ku ammaanay dowladda sugidda amniga iyo dardargelinta horumarrada balaaran ee ka socda guud ahaan dalka.