Thursday, June 18, 2026
Home NEWS Urur Goboleedka IGAD oo cambaareeyay booqashada Cirro ee Israel

Urur Goboleedka IGAD oo cambaareeyay booqashada Cirro ee Israel

44

Jun 18 (Jowhar)-Urur-goboleedka IGAD ayaa markale ku celiyay taageerada uu u hayo madax-bannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ay maanta soo saartay xoghaynta IGAD ayaa lagu sheegay in ururku uu la socday wararka ku saabsan furitaanka safaarad ay Somaliland ku yeelatay magaalada Qudus, isla markaana uu dib u xaqiijinayo mowqifkiisa ah in si buuxda loo ixtiraamo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

IGAD ayaa sheegtay in mowqifkeedu uu waafaqsan yahay heshiisyada iyo qawaaniinta caalamiga ah ee ilaalinaya madax-bannaanida iyo xuduudaha dalalka, gaar ahaan kuwa xubnaha ka ah ururka.

Ururka ayaa walaac ka muujiyay tallaabo kasta ama qorshe kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ka digay in arrimaha noocaas ah ay sare u qaadi karaan xiisadaha siyaasadeed isla markaana ay wiiqi karaan nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.

Bayaanka IGAD ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan falcelinnada ka dhashay wararka la xiriira furitaanka safaarad ay Somaliland ku yeelatay Qudus, arrintaas oo dood iyo muran ka dhalisay gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.