Friday, June 19, 2026
Home NEWS Mojtaba Khamenei;”Maraykanka rajo xumo darteed ayay u oggolaadeen heshiiska”

Mojtaba Khamenei;”Maraykanka rajo xumo darteed ayay u oggolaadeen heshiiska”

85

Jun 19 (Jowhar)-Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Mojtaba Khamenei ayaa sheegay in uu ogolaaday heshiiska lala galay Maraykanka uuna saxiixay kadib markii ballanqaad buuxda ka helay madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian in uu heshiisku yahay mid ilaali doono xuquuqda qaranka Iiraan.
Khamenei waxa uu sheegay in madaxweyne Trump uu quus ama rajo-xumo darteed uu u saxiixay heshiiska.
Hogaamiyaha ugu sareeya Iiraan ayaa sheegay in inkasta oo ay jiri doonaan wada xaajood shakhsi ah mustaqbalka oo u dhexeeya Tehraan iyo Washington, haddana tani ay macnaheedu noqon doonto aqbalaadda mowqifka cadowga.

Mojtaba Khamenei Laguma arag meel fagaare ah tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Maarso ka dib dilkii aabihiis Ayatullah Ali Khamenei, oo lagu dilay 28-kii Febraayo duqeymo ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan.

Trump si toos ah ugama uusan jawaabin hadalka Khamanei, balse waxa uu soo dhigay barta Truth Social in uu rajaynayo in xabad joojin ay dhaqan gasho dhan walba, oo ay ku jiraan Israa’iil iyo Xisbullah-da Lubnaan ee ay Iiraan taageerto, iyo in uu filayo in dalalka Bariga Dhexe ay ilaalinayaan go’aankooda ah in ay ogolaadaan wadaxaajoodka inuu dhaco.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa xaqiijiyay dhamaadka go’doominta balse waxay sheegeen in maraakiibta Mareykanka qaarkood ay ku sii sugnaan doonaan goobta.

Tan iyo markii heshiiska ay wada gaareen Maraykanka iyo Iran ayaa waxaa hoos u dhacay qiimaha shidaalka dunida iyadoo maraakiibtana ay bilaabeen inay ka gudbaan marinka Hormuz.