Friday, June 19, 2026
Home NEWS Inakabadan toban ruux oo ku dhimatay dagaal beeleed ka dhacay degmada jalalaqsi

Inakabadan toban ruux oo ku dhimatay dagaal beeleed ka dhacay degmada jalalaqsi

0

Jun 19 (Jowhar)Ugu yaraan toban ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal u dhexeeyo maleeshiyo beeleed ku dagaalamaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Dagaalkan oo galay maalintii 3aad ayaa waxaa uu ku fidey goobo hor leh oo ka tirsan xaafadaha degmada Jalalaqsi iyadoo boqolaal qoys ay ka barakaceen guryahoodii kadib markii la gubay.

Waxaa la arkayaa muuqaalo laga soo duubay dagaalka iyadoo guryo ay ku gubanayaan dad u badan haweena ay ku baxsanayaan doon.

Waxaa socda dadaalo la doonayo in lagu qaboojiyo xiisada colaadeed ee ka jirta qeybo ka mid ah degmada Jalalaqsi.

Degmada Jalalaqsi ayaa waxaa ay ka mid tahay degmooyinka gobolka Hiiraan oo xaaladooda amni aad u wanaagsanayd sanadihii la soo dhaafay iyadoo inta badan aysan ka dhici jirin dagaalo beeleedyo ay isaga horyimaadaan beelaha halkaa degen,