Jun 23(Jowhar)-Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa lagu helay dembi maxkamadeed sababo la xiriira amar diido go’aan ka soo baxay maxkamada saree e dalka Kenya oo hakisay dhismaha xarun karantiil Ebola oo muran dhalisay, taas oo uu maalgelinayo Maraykanku.
Bishii hore, Maxkamadda Sare ayaa joojisay dhismaha xarunta karantiilka taasoo leh 50 sariirood, taas oo ku taalla saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Nanyuki, kadib markii dacwad ay gudbiyeen koox xuquuqda aadanaha ah u dooda.
Laakiin shalay Isniintii, garsoore ayaa xukumay in Ducaale uu iska indho tiray amarka maxkamadda isla markaana uu oggolaaday mashruuca inuu sii socdo. Waxaa lagu wadaa in xukunkiisa la dhageysto maanta oo Talaado ah.
Xarunta karantiilka waxaa loogu talagalay muwaadiniinta Maraykanka ee looga shakiyo inay qaadeen cudurka Ebola ee ka dillaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Qorshaha ayaa kiciyay mudaharaadyo caro leh oo ka dhacay Nanyuki, oo qiyaastii 140km (87 mayl) waqooyi ka xigta caasimadda Nairobi, halkaas oo saddex qof ay ku dhinteen markii boolisku isku dayeen inay kala eryaan dadkii mudaharaadayay.
Kuwa dhintay waxaa ka mid ahaa wiil 17 jir ah oo arday dugsiga sare dhiganayay ah, Sylvester Muigai Ndung’u, oo rajo ka lahaa inuu wadaad noqdo – markhaatiyaal ayaa sheegay in madaxa laga toogtay, balse boolisku waxay u sheegeen BBC inay sugayaan natiijada baaritaanka meydka si loo xaqiijiyo sababta dhimashadiisa.
Dacwad maxkamadeed oo ay bishii May gudbisay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Katiba Institute si loo joojiyo dhismaha ayaa ka digtay in qorshuhu keeni karo “khatar weyn oo degdeg ah” oo ku saabsan caafimaadka dadweynaha.
Wasaaradda caafimaadka ayaa markii dambe ku adkaysatay inaysan jebin amarkii maxkamadda ee bishii hore, iyagoo ku dooday in dhismaha socda uu yahay mid ay keliya fulinayso dowladda Kenya si loo ilaaliyo muwaadiniinta cudurka Ebola.










