Wednesday, June 24, 2026
Home NEWS Qeyb ka mid ah dalka Libya oo laga mamnuucay muwaadiniinta Soomaaliyeed

Qeyb ka mid ah dalka Libya oo laga mamnuucay muwaadiniinta Soomaaliyeed

156

Jun 24(Jowhar)-Maamulka bariga Libya ayaa ka mamnuucay inay soo galaan muwaadiniinta afar dal oo ku yaal qaarada Afrika ay Soomaaliya ku jirto.

Dalalka kale ee laga mamnuucay ayaa waxaa ka mid ah Itoobiya, Eritrea iyo Suudaan waxaana uu maamulka Bariga Libya ee fadhigeedu yahay magaalada Benghazi ay ku tilmaantay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dib-u-habeyn lagu sameynayo nidaamka gelitaanka ajaaniibta ee dalkaas.

Wareegto ay soo saartay dowladda fadhigeedu yahay magaalada Benghazi ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta afartaas dal laga joojiyay inay Liibiya ka soo galaan dhammaan marinada dhulka, badda iyo hawada.

Dowladda Benghazi ee uu hoggaamiyo Osama Hamad ayaa taageero ka hesha taliyaha ciidamada Bariga Liibiya, Khalifa Haftar, oo gacanta ku haya bariga dalka iyo qaybo badan oo ka tirsan koonfurta Liibiya.

Liibiya ayaa tan iyo markii la riday hoggaamiyihii hore ee dalka, Muammar Gaddafi sanadkii 2011, noqotay marin muhiim ah oo ay isticmaalaan muhaajiriinta ka cararaya colaadaha iyo saboolnimada si ay ugu gudbaan Yurub.