Tuesday, July 7, 2026
Home NEWS Qaraxyo laga maqlay Dimishiq meel ku dhow hotel uu degenaa Macron

Qaraxyo laga maqlay Dimishiq meel ku dhow hotel uu degenaa Macron

61

July 07 (Jowhar)-Ugu yaraan   labo qarax ayaa  laga maqlay caasimadda Suuriya, Dimishiq, xilli madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu booqanayo dalkaas.Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya ayaa sheegtay in ugu yaraan 18 qof, oo ay ku jiraan afar sarkaal oo booliis ah, ay ku dhaawacmeen qaraxyada. Muuqaallo telefishan ayaa muujinayay qiiq ka baxaya magaalada, muuqaallo kale oo internetka lagu wadaagay oo ay xaqiijisay Al Jazeera ayaa muujinaya gaari gubanaya.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxyadu ay ka dhaceen meel u dhow Wasaaradda Dalxiiska iyo hoteel uu Macron ku sugnaa intii uu ku guda jiray booqasho uu ku tagay caasimadda si uu wadahadal ula yeesho dhiggiisa Suuriya, Axmed al-Sharaa.

Xafiiska Macron ayaa sheegay in madaxweynaha, oo u socday inuu la kulmo al-Sharaa, uusan maqlin qaraxyada, booqashaduna ay si caadi ah u socotay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa u sheegtay wakaalada wararka suuriya ee SANA in qaraxyadu ay ka dhaceen meel ka baxsan aagga amniga ee loogu talagalay hoyga Madaxweynaha Faransiiska, mana aysan ahayn wax khatar toos ah ku ah hoyga ama barnaamijka booqashada rasmiga ah.

“Natiijooyinka hordhaca ah waxay muujinayaan in labada qalab ee qarxa la farsameeyay. Mid ayaa la dhigay gaari la dhigay wadada dhinaceeda, halka kan kalena lagu qariyay meel qashin ah,” ayay tiri Wasaaradda Arrimaha Gudaha, sida ay soo xigatay SANA.

“Baaritaanno ayaa socda si loo ogaado duruufaha weerarka iyo in la aqoonsado kuwa mas’uulka ka ah.”ayay sii raacisay warkeeda wasaarada arrimaha gudaha siiriya.

Toddobaadkii hore, qarax ka dhacay makhaayad ku taal bartamaha Dimishiq ayaa waxaa ku dhintey ugu yaraan sagaal qof waxaana ku dhaawacmay 20 kale, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka Suuriya.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Isniintii tegay caasimada dalka siiriya ee Dimishiq. Tani waa booqashadii ugu horreysay ee uu hoggaamiye dowladeed oo ka socda waddan ku yaalla Galbeedka Yurub ku tago Suuriya tan iyo markii ay talada dalka la wareegtay dowladda cusub.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa bilaabay dadaal diblomaasiyadeed oo ballaaran oo uu kula xiriirayo dalal kala duwan, isla markaana dib loogu dhisayo Suuriya.

Waqtigan xaadirka ah, xaqiijinta amniga ayaa loo arkaa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla dowladda Ahmed Sharia ee Suuriya.