July 08 (Jowhar)-Mareykanka ayaa duqeymo xoogan ku qaaday Iiraan kadib markii weerarro lagu qaaday saddex markab oo shidaal qaada oo ku sugnaa Gacanka Hormuz,iyadoo Irana ay duqeyn ka geysatay dalalka Kuwait iyo Baxreyn.
Taliska Dhexe ee Mareykanka (Centcom) ayaa sheegay inay duqeeyeen in ka badan 80 bartilmaameed, oo ay ku jiraan in ka badan 60 doomood oo yaryar oo ay leeyihiin Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) oo joogay marinka.
Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa sheegtay in duqeymo ay ku dhaceen jasiiradda Qeshm, Bandar Abbas iyo Sirik, halkaas oo dad ay ku dhaawacmeen. Iiraan si toos ah uma sheegan mas’uuliyadda weerarradii lagu qaaday saddexda markab ee sababay in Mareykanku uu weeraro qaado.
IRGC waxay sheegtay inay ka jawaabtay weerarro aargoosi ah oo lagu qaaday goobaha militariga Mareykanka ee Baxrayn iyo Kuwait saacadihii hore ee saaka .
“Gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu soo riday 85 xarumood oo muhiim ah oo militariga Mareykanka ah oo ku yaal labada dal, oo ay ku jiraan xarunta ciidamada badda Mareykanka iyo saldhig cirka oo ku yaal Kuwait.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay IRGC.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa weerarrada Mareykanka ku tilmaamay inay yihiin xadgudub ku yimid heshiiskii Mareykanka iyo Iiraan ay saxiixeen bishii hore, wuxuuna uga digay Tehran inay qaadi doonto tallaabooyin go’aan qaadasho leh.
Mareykanka ayaa sheegay in cawaaqib xumo ay ka dhalan doonto waxa uu ugu yeeray weerarrada aan gebi ahaanba la aqbali karin ee lagu qaadayo saddexda markab ee xamuulka qaada.
Centcom waxay sheegtay in marka laga soo tago 60-ka doomood ee yaryar, ay duqeeyeen goobaha gantaalada laga soo rido Iiraan iyo xarumaha taliska. Ma aysan sheegin goobaha bartilmaameedkooda.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Qadar Majed Al Ansari ayaa sheegay inay Iiraan si buuxda mas’uul uga tahay weerar bartilmaameed ah oo muuqda oo lagu qaaday markab lagu magacaabo Al-Rekayyat xilli uu marayay meel u dhow marin biyoodka.
Qoraal gooni ah oo ay soo dhigtay baraha bulshada, wasaaradda arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in Iiraan ay bartilmaameedsatay markabka shidaalka qaada ee Wadyan ee Sacuudi Carabiya markii uu ka gudbayay marin biyoodka.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Esmail Baghaei ayaa ku tilmaamay eedaha Qadar kuwa ka soo horjeeda mabda’a deris wanaagga.
Mareykanka iyo Iiraan ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ka kooban 14 qodob, kaas oo ujeedadiisu ahayd in la kordhiyo xabad joojin iyo in la soo afjaro colaada.









