Monday, July 13, 2026
Home NEWS Calanka Soomaaliya oo muddo saddex cisho ah hoos loo dhigey

Calanka Soomaaliya oo muddo saddex cisho ah hoos loo dhigey

145

July 13-(Jowhar)-Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hoos loo dhigay, kadib amar kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la xiriira

Dowlada Soomaaliya ayaa amartay in calanka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya hoos loo dhigo muddo saddex maalmood ah geerida ku timid Amiirkii hore ee dalka Qatar Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani oo shalay geeriyooday awgeed.

War Saxaafadeed ka soo baxay dowlada fedealka ayaa lagu shaaciyay amarka ah in calanka hoos loo dhigo;

“Iyada oo la fulinayo Amarka Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa lafarayaa dhamaan Hay’adaha Dawladda in ay hoos loo dhigaan Calanka Jamhuuriyadda, taas oo ah Dareen Walaalnimo oo Soomaaliya ay ku garab istaagayso shacabka iyo dowladda aan walaalaha nahay ee Dalka Qatar Geerida ku timid Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thani” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay dowladda Qatar uga tacsiyeeyay geerida ku timid Sheekh Hamad Bin Khalifa Al Thaani, isaga oo ku amaanay kaalintii uu ka qaatay horumarka Qatar iyo xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka caalamka, oo ay ka mid thay Soomaaliya.