Friday, July 24, 2026
Home NEWS Toban qof oo ku dhimatay weerar Ruushku ku qaaday bandhig diyaaradeed meel...

Toban qof oo ku dhimatay weerar Ruushku ku qaaday bandhig diyaaradeed meel ku dhow Kyiv

72

July 24 (Jowhar)-Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay weerar Ruushka uu ku qaaday Ukraine, dadka dhintey ayaa waxaa ka mid ah 10 qof oo ku dhintay gantaallo ballistic ah oo lagu qaaday meel ku dhow magaalada Kyiv oo lagu soo bandhigayay tignoolajiyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa baraha bulshada ku qorey in ilaa 100 qof ay ku dhaawacmeen weerarka lagu qaaday bandhigga, kaasoo ay ka soo qaybgaleen xubno caan ah oo ka tirsan waaxda difaaca.

Sidoo kale shan qof ayaa ku dhintay magaalada bari ee Sloviansk kadib markii Ruushku uu duqeeyay.

Afhayeenka ciidamada cirka ee Ukraine Yuri Ihnat ayaa u sheegay TV-ga Ukraine in weerarku uu ku lug lahaa saddex gantaal oo ballistic ah, oo mid ka mid ah la qabtay.

Weerarkan ayaa ah markii saddexaad tan iyo markii Ruushku uu duullaan buuxa ku qaaday 2022 in bandhig noocan oo kale ah la duqeeyay.

Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in dhacdadaas baaritaan lagu hayo, halka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ukraine uu sheegay in dadaallo lagu doonayo in lagu ogaanado cidda go’aansatay in munaasabadda la qabto iyo tallaabooyinka badbaadada ee la diyaariyay ay socdaan.

Weerarku wuxuu dhacay saacado kadib markii Ukraine ay weerartay warshad ku taal magaalada Kirov iyo bakhaarro ku yaal waqooyi-galbeed ee Ruushka.

Zelensky ayaa sheegay in la bartilmaameedsaday mid ka mid ah xarumaha milateri ee ugu muhiimsan ee Kirov, kuwaas oo soo saara qaybaha diyaaradaha iyo qalabka gantaallada” ee loo adeegsado weerarrada ka dhanka ah Ukraine.

Weerarradii Jimcihii lagu qaaday ugu yaraan laba xarumood oo shirkadda Wildberries ay ku leedahay aagga St. Petersburg ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee taxane weerarro ah oo dhacay toddobaadkii la soo dhaafay.

Weerarrada lagu qaaday shirkaddan ayaa saameyn xun ku yeeshay ganacsiyo badan oo yaryar iyo kuwa dhexdhexaad ah oo ka hawlgala gudaha Ruushka.