July 28(Jowhar)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xildhibaan Darin LaHood oo ka tirsan Aqalka Golaha Wakiillada Dowladda Mareykanka, kaasi oo safar shaqo kusoo gaaray dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada xoojinta nabadda, amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo arrimaha kale ee ganacsiga iyo dhiiragelinta maalgashiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Mareykanka taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, isaga oo adkeeyey in Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga
caalamiga ah iyo xaqiijinta jawi amni oo horseeda maalgashi iyo horumar.
Dhankiisa, Xildhibaan Darin LaHood ayaa bogaadiyey horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dib u dhiska hay’adaha dowladda, xasillinta dalka iyo dagaalka lagula jiro argagixisada, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo wada-shaqeynta u dhexeysa labada dal.






