July 29 (Jowhar)-Dowlada Iran ayaa la filayaa in Iran ay toddobaadyada soo socda hesho qaybtii ugu horreysay ee ilaa 400 oo ah aaladaha gantaallada difaaca hawada ee garabka laga rido (oo Shiinaha laga soo saaray), sida ay wakaaladda Reuters u sheegeen saddex il-wareed oo arrintan ka warqaba, iyadoo dalku dib u dhis ku sameynayo difaaciisa xilli uu dagaal kula jiro Mareykanka.
Iibkan oo qiimihiisu u dhexeeyo 60 ilaa 70 milyan oo doollar, ayaa ka mid ah dadaallada ugu waaweyn ee la og yahay ee Tehran ay ku xoojinayso difaaca hawada ee masaafada gaaban tan iyo markii uu billowday dagaalka kala dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil.
Qandaraaska wuxuu daboolayaa iibsashada inta u dhaxaysa 300 iyo 400 oo nidaamyada difaaca hawada ee gacanta lagu qaadi karo (MANPADS), oo ay ku jiraan gantaalada QW-12 iyo FN-16 ee Shiinaha lagu sameeyay, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa beenisay wararkan sheegaya inay ka iibineyso Iiraan hubkan: “Warbixinnada khuseeya gebi ahaanba waa kuwo aan sal lahayn. Shiinuhu si joogto ah ayuu door uga ciyaaray horumarinta nabadda iyo soo afjaridda khilaafka.”
Washington ayaa si lama filaan ah u hakisay laba toddobaad oo duqeymo ah Sabtidii, laakiin madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in duqaymaha ay dib u bilaaban doonaan haddii wada xaajoodyadu ay ku guuldareystaan inay soo afjaraan colaadda shanta bilood ah, taas oo aragti ahaan ku jirtay xaalad xabbad-joojin ah tan iyo bishii Abriil.
Sida ku cad qorshe ay ku heshiiyeen dhinacyadu, alaabada ayaa marka hore hawada laga soo qaadi doonaa Urumqi ee galbeedka Shiinaha, ka dibna u sii gudbi doona Pakistan ilaa Iran, sida laga soo xigtay ilo-wareedyada, kuwaas oo aan caddayn in wareejintu ay ku dhici doonto hawada ama waddo.
Iran waxa ay si weyn u maalgelisay labaatankii sano ee la soo dhaafay gantaalada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo radarka, khubarada milatarigu waxay sheegeen in nidaamyada difaaca hawada ee la qaadi karo ay muhiim yihiin sababtoo ah si dhakhso ah ayaa loo kala ridi karaa,





