Thursday, July 30, 2026
Home NEWS Kumanaan ruux oo ku nool Galmudug oo saaka u dareerey goobaha codbixinta

Kumanaan ruux oo ku nool Galmudug oo saaka u dareerey goobaha codbixinta

90

July 30 (Jowhar)Doorashada isku sidkan ayaa saaka ka bilaabatay illa 11 degmo oo ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo dadku ay soo dooranayaan xildhibanaada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Galmudug iyo xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug.
Sida uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka, 215,860 qof ayaa iska diiwaangeliyay codbixinta gobollada Mudug iyo Galgaduud. Gobolka Mudug waxaa laga diiwaangeliyay 116,590 codbixiye, halka Gobolka Galgaduud laga diiwaangeliyay 99,270 qof.

Doorashadan ayaa ah tii ugu horeysay muddo kabadan 50 sano oo laga qabto Galmudug iyadoo dhawaan sidoo kale doorasho tan la mid ah laga soo qabtay dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.