Friday, July 31, 2026
Home NEWS Fanaanka Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday dalka Maraykanka

Fanaanka Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday dalka Maraykanka

115

July 31 (Jowhar)-Waxaa magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ku geeriyooday alle ha u naxariistee fanaankii caanka ahaa Axmed Cali Cigaal oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaal ku yaal magaalada Minneapolis.

Axmed Cali Cigaal ayaa muddo ka badan 50 sano ka mid ahaa tiirarka ugu waaweyn ee fanka iyo masraxa Soomaaliyeed.
Alle ha u naxariistee Axmed Cali Cigaal wuxuu fanka ku biiray sannadkii 1967, isagoo noqday fannaan, jilaa, muusikiiste iyo laxamiiste caan ka ahaa guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

Waxa uu door weyn ku lahaa horumarinta fanka casriga ah, isaga oo ka tirsanaa hobolladii caanka ahaa ee Waaberi, isla markaana dhaxal faneed oo qani ah uga tegay bulshada Soomaaliyeed.