Sunday, August 2, 2026
Home NEWS Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la magacaabay

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la magacaabay

53

Aug 02 (Jowhar)- Guddoomiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta si rasmi ah u magacaawday guddiga qabanqaabinaya doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka. MogadishuLocal News

Guddigan oo ka kooban 9 xubnood, ayaa loo xilsaaray diyaarinta iyo maamulka hannaanka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyagoo ka shaqeyn doona dhammaan howlaha farsamo iyo qabanqaabada la xiriira doorashada.

Magacaabista guddigan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kaddib markii kursigaasi uu bannaanaaday. Waxaa la filayaa in guddigu si dhow ula shaqeeyo xildhibaannada iyo maamulka Baarlamaanka si doorashadu ugu dhacdo si waafaqsan xeerarka iyo habraacyada Golaha Shacabka.

Doorashada Guddoomiyaha cusub ayaa la filayaa inay noqoto mid si weyn isha loogu hayo, maadaama ay door muhiim ah ku leedahay hoggaanka iyo howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ee muddo xileedkiisa dhamaaday.

Kursigan ayaa waxaa u sharaxan xubno badan, kuwa ay wadato Villa Soomaaliya iyo xubno mucaarad ah.