Sunday, August 2, 2026
Home NEWS Trump oo markale sheegay inuu hakinayo weerarada Iran

Trump oo markale sheegay inuu hakinayo weerarada Iran

21
Houthis claim Red Sea tanker strikes, US hits Iran again
US President Donald Trump motions to reporters after getting off Air Force One at Joint Base Andrews, Maryland

Aug 02 (Jowhar)- Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu dib u dhigi doono weerar cusub oo lagu qaado Iran, ilaa inta laga gaarayo heshiis degdeg ah oo lagu joojinayo hamiga nukliyeerka ee Iran, isla markaana dib loogu furayo marinka biyaha ee Hormuz.
Trump ayaa ku sheegay bartiisa Truth Social in Iran iyo dalal kale oo ka tirsan Bariga Dhexe ay codsadeen waqti ay ku dhammaystiraan heshiis horseedi kara in la gaaro heshiis dhamaystiran oo buuxa islamarkaana dib loogu furayo marinkaas muhiimka ah, lana soo afjaro khatarta nukliyeerka ee Iran.

Hadalka Trump ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in laga yaabo in Mareykanka iyo Israa’iil ay qorsheynayeen weeraro cusub oo xooggan oo ka dhan ah Iran.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Trump uu soo saaro digniino qiyaali ah, kaliya wuxuu ku adkeystay in diblumaasiyadda la siinayo fursad.

Wakaaladda wararka Iran ee Mehr ayaa beenisay in Tehran ay ka codsatay Mareykanka in uu joojiyo tillaabo militari oo dheeri ah, iyadoo sheegtay in sheegashada Trump ay tahay kaliya been cusub.

Ku-simaha Wasiirka Difaaca ee Iran Majid Ibn al-Reza ayaa sheegay in Tehran ay u aragto khatar kasta oo kaga timaada cadawgeeda mid dhab ah oo la aamini karo xitaa haddii ay qayb ka tahay dagaalka nafsiga ah.

Maraykanka ayaan magacaabin dalalka ka shaqeynaya heshiiska ,balse waxaa dhawaan baaq u direy Madaxweynaha Maraykanka dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ah xulafada Mareykanka kaasoo ku baaqay inuu joojiyo weerarka uu qorsheynayo.

Maalin ka dib, Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa la hadlay Trump, kaas oo looga dan lahaa in lagu yareeyo xiisadaha gobolka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee SPA.