Aug 03 (Jowhar)- Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Dhuusamareeb ayaa shaaciyey natiijada doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee Galmudug ka dhacday 30-kii Luulyo.
Doorashad oo ay ku tartameen 16-urur,iyada oo codeyntu ay ka dhacday 11-degmo oo ka tirsan Dowlad Gobolleedka Galmudug, waxaana wadarta codeysay gaareen (boqol shagaashan iyo toddobo kun, sagaal boqol iyo toddobaatan iyo koow).
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in cododka ansaxay ay ahaayeen boqol sagaashan iyo koow kun, shan boqol iyo afar, halka cododka xumaaday ay noqdeen (lix kun, afar boqol lixdan iyo toddobo), wadarta guud ee kuraasta lagu tartamayna waa (labo boqol afartan iyo toddobo).
Magacyada ururada siyaasadda:-
1. Ururka Caddaallada iyo midnimada ee Tiir, wuxuu helay saddex boqol iyo labaatan cod oo u dhiganta (0.17%). kuraas ma helin.
2. Ururka Madalsan wuxuu helay saddex kun, sagaal boqol iyo lixdan cod oo u dhiganta ( 2.07%), wuxuu helay 10-kursi.
3. Ururka Muwaadiniinta Soomaaliyeed wuxuu helay shan boqol iyo siddeedan iyo afar cod oo u dhiganta ( 0.30%), kuraas ma helin.
4. Ururka Cadaalladda iyo Wadajirka, wuxuu helay boqol iyo lix kun, saddex boqol siddeedan iyo siddeed oo u dhiganta (55.55%). 115-kursi ayuu helay.
5. Ururka Dadka Soomaaliyeed, wuxuu helay siddeedan cod oo u dhiganta (0.04%) waxba kuraas ah ma helin.
6. Ururka Karaama, wuxuu helay labo iyo labaatan kun iyo labaatan iyo sagaal cod oo u dhiganta (11.93%) 29-kursi ayuu helay.
7. Ururka Saab, wuxuu helay labo kun toddobo boqol, soddon iyo toddobo cod oo u dhiganta (1.43%), afar kursi ayuu helay.
8. Qiimo Qaran, wuxuu helay shan kun, afar boqol iyo lix oo u dhiganta (2.82%), wuxuu helay saddex kursi.
9. Ururka Dan-Shacab, wuxuu helay boqol iyo toddobo iyo toddobo cod oo u dhiganta ( 0.6%) kursi ma helin.
10. Ururka Sincad, wuxuu helay sagaal iyo toban kun, sagaal boqol iyo koow oo u dhiganta ( 10.39%), 25-kursi ayuu helay.
11. Ururka Midnimada Shacabka, shan cod ayuu helay oo u dhiganta (0.00%), Kuraas ma helin.
12. Ururka Dowlad Wanaagga Soomaaliyeed, wuxuu helay labaatan iyo afar cod oo u dhiganta (0.01%), kuraas ma helin.
13. Ururka Dhallinyarada Talo-Qaran, wuxuu helay saddex boqol, sagaashan iyo sagaal, wax kuraas ah ma helin.
14. Ururka Ramaas, wuxuu helay labo kun siddeed boqol, koow iyo toban oo u dhiganta (1.47%), 7-kursi ayuu helay.
15. Ururka Towfiiq, wuxuu helay labaatan iyo lix kun iyo lixdan iyo saddex cod oo u dhiganta ( 13.61%) wuxuu helay 49-kursi.
Doorashada Golaha deegaanka Dowlad Gobolleedka Galmudug oo ay ku tartamayeen ururo siyaasadeed ayaa si rasmi ah loo soo geba-gebeeyay, iyadoo guddiga madax bannaan ee Doorashooyinka u mahadceliyeen shacabka, ururada siyaasadda iyo dhammaan daneeyeyaasha doorashada iyo hay’adaha amniga oo kaalin muuqata ka qaatay sugidda anniga goobaha codbixintu ay ka dhaceysay.





