Thursday, August 6, 2026
Home NEWS Ciidamada Puntland oo la wareegay xaruntii PSF ee Boosaaso

Ciidamada Puntland oo la wareegay xaruntii PSF ee Boosaaso

78

Aug 06 (Jowhar)-Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa saaka si rasmi ah ula wareegay xaruntii ugu weynayd ee Puntland Security Force (PSF) ku lahayd magaalada Boosaaso, kaddib wadahadallo ay dhinacyo kala duwan yeesheen kuwaas oo socday illaa xalay.

Sida wararku sheegayaan, ciidamada PSF ayaa si nabad ah ugu wareejiyay taliska ciidamada Puntland, waxaana subaxnimadii hore xarunta iyo agagaarkeeda lagu arkayay ciidamada iyo gaadiidka dowladda Puntland oo la wareegay ammaanka goobta.

La wareegista xaruntan ayaa ku soo beegantay 24 saacadood kadib markii ciidamada Puntland ay dagaal kula wareegeen xeradii PSF ee magaalada Gaalkacyo. Waxa kale oo la xaqiijiyay in saraakiil ka tirsanaa xerada Boosaaso, kuwaas oo hore uga baxay Qardho, ay gaareen maamulka gobolka Bari.

Dhinaca kale, Maamulka Puntland ayaa ka hadlay la wareegista xeradan iyagoo sheegay inay la wareegeen talis iyo xarun ay deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan oo si sharci-darro ah isu ekeeysiiyay ciidamada amniga, kuwaas oo hore loogu yiqiin PSF, taas oo si buuxda ugu jirtaa gacanta Dawladda, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulkeeda.

Waxa uu maamulka Puntland intaa ku daray in la wareegidan ay timid kadib markii hawlgal amni oo qorshaysnaa oo shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo falalkoodu khatar ku ahaa amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta Puntland.