Sunday, August 9, 2026
Home NEWS Labo gabdhood oo kaalimaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga dugsiyada dhexe ee...

Labo gabdhood oo kaalimaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga dugsiyada dhexe ee gobolka Banaadir

60

Aug 09-(Jowhar)-Labo gabdhood ayaa Kaalinta koowaad iyo kaalinta labaad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Dhexe ee Gobolka Banaadir,iyadoo ay u farisiteen imtixaanka arday tiradodu ka badan tahay afartan iyo shan kun oo arday.
Sumayo Xasan Abshir Aadan halka kaalinta labaad ay gashay Balqiisa Maxamed Cumar Maxamed. Kaalinta saddexaad waxaa galay Axmed Cabdinaasir Cabdullaahi Cabdi.

Sanadkan waxaa yaraaday tirada ardayda ku dhaci jirtey imtixaanka, iyadoo ay ku dhaceen 1,435 arday, taasoo celcelis ahaan u dhiganta 3.2%, halka ay baaseen ama gudbeen 44,017 arday, sida lagu sheegay xogta natiijada la shaaciyay.

Ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaanka ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinno lagu dhiirrigelinayo dadaalkooda iyo guusha ay ka gaareen waxbarashada.

Munaasabadda lagu shaaciyay natiijada ayaa waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Agaasinka Waxbarashada Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bahda waxbarashada, kuwaas oo hambalyo u diray ardayda ku guuleysatay imtixaanka, iyagoo u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.