Tuesday, August 11, 2026
Home NEWS Puntland oo sheegtay in ay soo gabagabeysay howlgal ka dhan ah ciidamada...

Puntland oo sheegtay in ay soo gabagabeysay howlgal ka dhan ah ciidamada dowlada federalka

45

Aug 11 (Jowhar)-Maamulka Puntland ayaa sheegay in uu soo gabagabeeyay wejigii koowaad howlgal ay ka wadeen gobolka Mudug ee ka dhanka ahaa ciidamada federaalka.

War Saxaafadeed ay soo saareen Booliska Putnland ayaa lagu sheegay in ciidan ku sugnaa xerada Istanbul ee xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo ay aqbaleen in ay ka mid noqdaan Ciidamada Puntland

“Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soogabagabeeyay wejigii koowaad ee hawlgalka amni ee gobolka Mudug, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, soo celinta kala dambeynta iyo mideynta awoodda amniga ee hoos timaadda hay’adaha dawladda”.ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

“Maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ku sugnaa Gaalkacyo ayaa aqbalay in ay ka mid noqdaan ciidanka difaaca Puntland. Waxaa hadda lagu biirinayaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee ciidanka, waxaana la gelinayaa tababar iyo dib-u-habayn ciidan si loo waafajiyo nidaamka, anshaxa, habraacyada iyo silsiladda taliska” ayaa la raaciyay.

Madaxweyne Deni ayaa la kulmay Ugaaska beesha Leelkase Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed, iyada oo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada beeshaas oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo sheegeen in ay ku soo biireen Puntland.

Hase yeeshee ma jiro ilo ka madax banana sheegashada maamulka Puntland ee ah inay ciidamadaas ay ku biireen ciidamada Puntland.