Aug 11 (Jowhar)-Ciidamada dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa ku eedeeyay Xuutiyiinta inay markale weerarro gantaallada riddada dheer (ballistic missiles) ah ku qaadeen magaalada dekedda leh ee Al-Makha ee ku taal Badda Cas iyo xaafado ku yaal magaalada Ma’rib.
Ciidamada Yemen ma aysan sheegin in weerarradaas ay geysteen wax khasaare nafeed ah.Weerarradan ayaa dhacay maalin kadib markii gantaallo ay soo rideen Xuutiyiintu ay dileen ugu yaraan toddoba qof, kuna dhaawaceen 30 kale magaalada al-Makha. Weerarradaas ayaa burbur baahsan u geystay aagga dekedda magaalada.
Maalintii Isniinta, weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn (drone) oo ay qaadeen Xuutiyiintu ayaa dilay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Yemen, kuna dhaawacay toddoba kale gobolka Shabwa ee koonfurta-dhexe, sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah.
Ciidamada Yemen ayaa barta X (oo hore loo oran jiray Twitter) ku shaaciyay inay bartilmaameedsadeen fallaagada Xuutiyiinta iyo goobahooda ku yaalla bariga gobolka al-Jawf, waqooyi-galbeed ee gobolka Saada, iyo aagga al-Tibas ee bartamaha gobolka Marib.
Weerarradan is-daba-joogga ah ee labada dhinac ayaa ah kuwii ugu dhimashada badnaa muddo sanado ah gudaha dagaalka sokeeye ee Yemen, waxayna calaamad u yihiin koror weyn oo ku yimid colaadda, taas oo dib u soo cusboonaatay kadib dagaalkii ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iran 28-kii bishii Febraayo.
Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan ayaa qabsaday caasimadda Yemen, Sanca, bishii Sebtembar 2014, iyadoo isbahaysi uu hoggaaminayo Sacuudigu uu soo farageliyay bishii Maarso 2015 oo ay la safteen dowladda.
Iskahorimaadka, oo ay ku dhinteen boqolaal kun oo qof, ayaa dhinacyada dagaallamaya waxay gaareen heshiis xabbad joojin ah bishii Abriil 2022 kaas oo soo afjaray dagaallo waaweyn oo ka dhacay dalka oo dhan.
Laakiin rabshaduhu waxay dib u soo cusboonaadeen Luulyo 13 iyadoo duqayn cirka ah oo Sacuudigu ka geystay garoonka diyaaradaha ee Sanca, taasoo ka hor istaagtay inay soo degto diyaarad Iiraani ah oo siday wafdi sare oo Xuutiyiin ah.
Ka dib. Xuutiyiinta ayaa weeraray garoonka diyaaradaha ee Abha ee koonfur-galbeed Sacuudi Carabiya waxayna ku dhawaaqeen xayiraad saaran maraakiibta Sacuudiga ee Badda Cas. Waxay sidoo kale weerareen maraakiibta Sacuudiga iyo weliba xarumaha shidaalka ee boqortooyada, taasoo sii kordhisay carqaladeynta dhaqaalaha adduunka.
Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa isna weeraray Hodeidah iyo Kamaran oo ah jasiiradda ugu weyn Yemen ee Badda Cas.Waxay sidoo kale xoojiyeen ciidamada Yemen ee ku sugan jiidaha hore ee Yemen si ay weerar dhulka ah ugu qaadaan Xuutiyiinta.





