Thursday, August 13, 2026
Home NEWS Madaxweynaha Hirshabelle oo si weyn Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Balcad.

Madaxweynaha Hirshabelle oo si weyn Loogu Soo Dhaweeyay Degmada Balcad.

20

Aug 13 (Jowhar)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta soo gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha waxaa degmada Balcad kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Degmada Balcad ahna Duqa Magaalada, Mudane Qaasim Cali Nuur Furdug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada, oo ay ku jiraan waxgaradka, odayaasha dhaqanka, dhalinyarada, haweenka iyo mas’uuliyiin kale.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa ahayd mid muujineysa taageerada iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya maamulka Hirshabelle, maamulka degmada Balcad iyo bulshada deegaanka.

Intii uu ku sugnaa degmada, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu kulamo iyo howlo kala duwan la yeesho maamulka degmada iyo qeybaha bulshada, iyadoo diiradda lagu saarayo xaaladda degmada, amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta deegaanka.