Thursday, August 13, 2026
Home NEWS Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo is casilay

Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo is casilay

46

Aug 13 (Jowhar)-Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate), ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib qoraal uu soo saaray.

Wasiir ku xigeenka ayaa warqad uu soo saaray oo ku taariikheysan maanta oo ah 13 August 2026 ku caddeeyay inuu iska casilay xilkii Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, balse ma shaacin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa is casilaaddiisa.

“Waxaan si rasmi ah isaga casilay xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS,” ayaa ku yiri warqadda uu soo saaray Abuukaate.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyay madaxda dowladda fursadda ay u siiyeen inuu ka mid noqdo xukuumadda Dan-Qaran isaga oo xusay inuu fursaddaas u arkayay mid uu ugu adeego guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan u mahadcelinayaa madaxda dalka fursadda ay ii siiyeen inaan ugu adeego bulshada Soomaaliyeed,” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Is-casilaadda Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate) ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dalka ka socdaan isbeddello siyaasadeed iyo kuwo maamul, is la markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshayaal iyo howlaha la xiriira hannaanka shaqada hay’adaha dowladda.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamza oo ku aadan tagista Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Abuukaate) oo maanta banneeyay xilkii uu ka hayay Wasaaradda Ganacsiga.