Friday, August 21, 2026
Home NEWS Booliska Hirshabeelle oo Mahadaay ku dilay laba dhagarqabe yaal

Booliska Hirshabeelle oo Mahadaay ku dilay laba dhagarqabe yaal

0

Aug 21 (Jowhar)- Booliska Dowlad Goboleedka HirShabeelle ayaa xalay dilay labo dhagarqabe yaal oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo suuqa xoolaha ee degmada Mahadaay ku aasay labo Miino oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Mahadaay G/le Suleymaan Cowsey ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay ka warheleen dhagarta ay cadowgu maleegayaan, isla markaana ay degdeg uga howlgaleen, iyagoo ku guuleystay in labadii dhagarqabe ay goobta ku toogtaan.

Waxaa lasoo bandhigay meydka labadii dhagarqabe iyo mid kamid ah miinooyinkii ay suuqa xoolaha degmada Mahadaay ku aasayeen, halka tii kale ay qaraxday, waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartii ay Khawaarijtu u soo maleegeen shacabka HirShabeelle ee reer Mahadaay.

Mahadaay waa degmo oo aan sidaas uga fogeen Magalada Jowhar una Jirta ilaa 30 kilomitir.waxaana horey ugu ooli jiray warshado militaray.