Monday, August 24, 2026
Home NEWS Saciid Deni oo ka hadlay duqeyn loo geystey doon laga leeyahay Puntland

Saciid Deni oo ka hadlay duqeyn loo geystey doon laga leeyahay Puntland

17

Aug 24(Jowhar)-Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duqeyn loo geystey dooman marayay deegaanno lagu tuhunsan yahay inay ku sugnaayeen kooxo burcad-badeed ah.

Saciid Deni oo ka hadlayay magaalada Jariibin ayaa sheegay in Puntland aysan raalli ka ahayn sida ay wax u dhaceen,ayna wanaagsan tahay in ciddii lagu tuhunsan yahay inuu fal dambiyeed galay sharciga la horgeeyo.

“Annagu raalli kama nihin sida ay wax u dhaceen, aad baan uga xumahay, maxaa yeelay qofka haddii uu dembi galo, xadgudub uma baahno, dambigana wuxuu leeyahay waddo loo maro,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in si dhab ah wax looga qabto dhalinyarada ku lug yeelan karta falalka amni-darrada, isaga oo ka digay in haddii aan xaaladda si degdeg ah wax looga qaban ay mustaqbalka keeni karto dhibaato ka sii weyn.

Xeebaha Puntland ayaa waxaa ku sugan maraakiib ay burcad badeedyo soo afduubteen,iyadoo maraakiibtaas ay ka mid yihiin qaar u raran dowlada Turkiga.