Monday, August 24, 2026
Home NEWS Xisbiga Towfiq oo soo dhaweeyay go’aankii lagu laalay doorashadii Galmudug

Xisbiga Towfiq oo soo dhaweeyay go’aankii lagu laalay doorashadii Galmudug

12

Aug 24(Jowhar)-Xisbi siyaasadeedka Towfiiq ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay ku laashay natiijooyinkii doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Xisbiga Towfiiq Sheekh Axmed Shaakir oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku tilmaamay go’aanka maxkamada sare tallaabo rajo cusub u abuureysa dadka Soomaaliyeed isla markaana mudan in la soo dhaweeyo.

“Waxa aan uu hambalyo u dirayaa taageerayaasha xisbiga, dadaalkii ay sameeyeen wuu miro dhalay, waxaana u mahadcelineynaa maxkamada sare maadaama cabashadii aan u gudbinay Maxkamaddu tixgelisay.”ayuu yiri Sheekh Axmed Shaakir.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay go’aanka ku soo dhaweeyaan si nabad ah, isagoo ka digay wax kasta oo keeni kara qalalaase.

Sheekh Axmed Shaakir ayaa sheegay in xisbigiisu muddo siddeed bilood ah u taagnaa doorasho xor iyo xalaal ah oo ku saleysan mabaadi’da iyo habraacyada doorashada, isagoo ku tilmaamay go’aanka Maxkamadda Sare mid xaqiijinaya dadaalkooda.

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in natiijadii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug, oo dhacay 30-kii Luulyo 2026, aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka.