Wednesday, August 26, 2026
Home NEWS Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamada Sare ee doorashada Galmudug

Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamada Sare ee doorashada Galmudug

55

Aug 26(Jowhar)-doorashada ayaa ku dhawaaqay inuu aqbalay isla markaana u hoggaansamayo go’aankii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay ku laashay natiijadii doorashadii isku-sidkanayd ee maamulka Galmudug. Somaliatravel guide

Qoraal uu soo saaray guddiga ayuu ku sheegay inuu ixtiraamayo go’aanka Maxkamadda Sare, isla markaana uu qaadanayo tallaabooyinka looga baahan yahay hirgelinta go’aanka kasoo baxay maxkamadda.

Maxkamadda Sare ayaa horey u laashay natiijadii doorashada Galmudug, iyadoo amartay in arrinta doorashada dib loogu noqdo, taasoo dhalisay xaalad siyaasadeed iyo dood cusub oo ku saabsan hannaanka doorashada maamulka Galmudug.

Screenshot