Kudhowaad 200 qof oo ku geeriyootay Roob ku dhuftay dalka Pakistan

0
62

Aug 15 (Jowhar)Ugu yaraan 164 qof ayaa ku geeriyootay 24-kii saac ee lasoo dhaafay fatahaado ka dhashay Roob xooggan oo ku dhuftay Pakistan iyo dhulka Kashmir ee Pakistan maamusho.

Ugu yaraan 30 guri ayuu burburiyay Roobka, halka diyaarad kuwa qumaatiga u kaca oo gurmad samaynaysay ay ku dhacday howlgalka, taasoo ay ku dhinteen shantii shaqaale ee saarneyd.

Sagaal qof oo kale ayaa ku geeriyooday dhulka Kashmir ee Pakistan maamusho, halka shan kalena ay ku dhinteen gobolka waqooyi ee Gilgit-Baltistan, sida lagu sheegay warbixinta dowladda.

Waaxda Saadaasha ee dowladda waxay sheegtay in roobab culus la filayo illaa 21-ka Agoosto, isla markaana digniin roobab culus loo diray waqooyiga-galbeed ee dalkaasi. Gobollo badan ayaa lagu dhawaaqay inay yihiin aag masiibo.