Tuesday, September 8, 2026
Home NEWS Kulan looga hadlayay Warbaahinta Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

Kulan looga hadlayay Warbaahinta Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho

19

08-(Jowhar)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo qayb ka ah madasha labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda Wasaaradaha Warfaafinta dalka, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin wadatashiga Istiraatiijiyadda Dhaqanka, Siyaasadda iyo Habraaca Dalxiiska, qabya qoraalka xeer nidaamiyaha Diiwaan galinta iyo Rukhsad siinta Warbaahinta, Siyaasadda Wakaaladda Filimada, Xoojinta Mideynta Farriimaha dowladda, Iskaashiga Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, habraaca ka wada-shaqeynta Tababarada Wasaaradda Federaalka iyo Wasaaradaha Warfaafinta Dowlad-goboleedyada.

Wasiir Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay muhiimad gaar ah siinayso dhismaha hannaan joogto ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed gaar ahaan casriyeynta warbaahinta, horumarinta warfaafinta Dowladda, Dhaqanka iyo Dalxiiska, wadaagga xogta, kobcinta xirfadaha iyo la jaanqaadidda isbeddellada casriga ah ee warbaahinta.

Wasiirrada Warfaafinta Dowlad-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa dhankooda shirka ku soo bandhigay aragtiyahooda, caqabaha heer gobol iyo talooyinka ku saabsan sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta iyo xooojint Warbaahinta..

Shirkan ayaa qayb ka ah dadaallada madasha labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026 ee lagu xoojinayo wada-tashiga, iskaashiga iyo dejinta jihada mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliyeed.