Aug 17 (Jowhar)-Waxaa saqdii dhexe ee xalay si rasmi ah loogu dhawaaqay liiska xildhibaanada cusub ee maamulka Waqooyi Bari, kadib dood iyo muran xooggan oo maalmahan ka taagnaa kalsoonida lagu qabi karo guddiga xulista.
Xildhibaanada la soo xulay tiradoodu waa 83 xubnood, kuwaas oo loo qeybsaday labo gobol iyo degmada Buuhoodle:
• Gobolka Sool → 30 xildhibaan
• Gobolka Sanaag → 37 xildhibaan
• Degmada Buuhoodle (Togdheer) → 16 xildhibaan
Tallaabooyinka Xiga
Maanta ayaa lagu wadaa in xildhibaanadan cusub la dhaariyo, kadibna ay iska dhex doortaan Guddoomiye Kumeel-gaar ah oo hagi doona fadhiyada ugu horreeya ee baarlamaanka cusub.
Dhanka kale, musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari weli wax war rasmi ah kama aysan soo saarin liiska cusub, inkasta oo la filayo in saameyn ballaaran uu ku yeelan doono tartankooda siyaasadeed.
Doodihii Taagnaa
Magacaabista xildhibaanadan waxaa ka horreeyay dood iyo dhaliilo xoogan oo la xiriiray sida ay u shaqeynayaan guddiga xulista, waxaana weli su’aalo laga qabaa habka loo soo xulay xubnaha baarlamaanka.
Si kastaba, tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo u gogol xaaraysa dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari iyo hannaanka siyaasadeed ee ka dhalan doona.
Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa shirkiisa jaraa’id ee shalay ku sheegay in dhismaha maanulkan cusub uu sii fogeynayo maamulka Puntland oo la doonayo in wadahadalo ay la furaan madaxweyne Xasan Sheekh.