Aug 18 (Jowhar) Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa tagay magaalada muhiimka ah ee Berbera, oo ay Mareykanka doonayaan in ay ka sameystaan dhawaan Saldhig Milateri, iyadoo uu Cirro fuliyey balan-qaadkisii xiligii ole-olaha ee magaaladan kuwajahnaa.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay dhinacyada Somaliland iyo Mareykanka, 2da bilood ee nagu soo wajahan dhameystiraan heshiisyadooda la xariira iskaashiga dhinaca Milateriga oo ay ku hoos-jiraan waxyaabaha ay Somaliland ku bedelanayso.
Aqalka Odayaasha Mareykanka xubno kamid ah Xisbiga Trump, Dawladdaha gobalka qaarkood, dad u dhaqdhaqaaqe Ole-olayayaasha ayaa codkooda banaanka usoo saaray si ay Trump ugu qanciyaan Aqoonsiga Somaliland, iyadoo ay taas ka carootay Villa Somalia & Shiinaha oo ka careysan xariirka Hargeysa la sameysay Taiwan.