Sunday, October 11, 2026
Home NEWS Hay’ada NISA oo ka hadashay xiisad ka taagan Muqdisho

Hay’ada NISA oo ka hadashay xiisad ka taagan Muqdisho

38

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA ayaa waxaa looga hadlay xiisadda ka taagan nawaaxiga guriga uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

War Saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in ay cambaareyneyso weerar lagula kacay ciidamado ka howlgalayay degmada Wadajir.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka ee Hay’adda, kuwaas oo ka howlgalayay Laanta Koowaad ee Waaxda General Daa’uud, degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Falalkan, oo ay ku lug leeyihiin maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.”ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay haya’da NISA.

Hay’ada NISA ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada ilaalada shacabka ay ka fogaadeen inuu halkaas ka dhaco gacan ka hadal,

“Maleeshiyaadka ayaa isku dayay in ay ciidamada amniga ku riixaan iska hor-imaad hubeysan, balse ciidamada Ilaalada Shacabka ayaa muujiyay feejignaan iyo xilkasnimo, kana fogaaday tallaabo kasta oo horseedi kartay gacan-ka-hadal iyo waxyeello soo gaarta dadka rayidka ah. Caddeymaha ay NISA uruurisay ayaa muujinaya in maleeshiyaad ku hubeysnaa AK-47, BKM iyo RPG ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley ee degmada Wadajir.”

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qoraalkeeda ku xustay inay tahay hay’ad amni oo ku shaqeysa sharciga, kana madax-bannaan loollanka siyaasadeed. Sidaas darteed, NISA ma oggolaan doonto in ciidamadeeda loo jiido khilaaf siyaasadeed, mana geli doonto wax gorgortan ah oo ku saabsan sugidda amniga iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Hay’adda waxaa ka go’an gudashada waajibaadkeeda sharci, ilaalinta xasilloonida caasimadda iyo ka hortagga fal kasta oo khatar gelinaya nabadgelyada bulshada.

May be an image of street. May be an image of text. May be an image of text. May be an image of text. May be an image of text